Booliska dalka jarmalka ayaa sheegay in nin ku hubaysan mindi uu afar qof ku dhaaawacay magaaladda Munich,saraakiisha ayaana sheegay in ay raadinayaan ninkaan weerarka geystay oo baxsaday.
Booliska Munich ayaa ugu baaqay dadka degan Rosenheimer Platz,oo ku dhaw bartamaha magaaladda Munich in aysan guryahooda aysan kasoo bixin,ka dib weerarkii subaxnimadii hore ee sabtida maanta.
Waxa ay sheegeen in qofka weerarka geystay uu qiyaastii uu jiro 40 sanno,isagoona gashnaa jaakad cagaar ah iyo surwaal madoow ah,isla markaana sidoo kale watay baaskiil.
Booliska oo Twitterkooda war kusoo qoray ayaa ka codsaday dadka deegaanka in ay siiyaan macluumaad ku aadan sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa ninkaan lagu tuhunsan yahay in uu ka dambeeyay weerarkaan.
Wali ma kala cadda weerarkaan in uu ahaa mid argagaxiso iyo in kale, mana jirto cid sheegatay mas’uuliyadda weerarkaan ka dhacay dalka Jarmalka.



