DHAGEYSO:- Puntland oo sheegtay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu Soomaaliya ku wado God halis ah

Madaxweyne kuxigeenka dowlad Goboleedka Puntland Ilyaas Ilyaas Cismaan Lugatoor ayaa sheegay in Mashaariicdii Puntland ku laheyd deeqaha uu Caalamka siiyo Soomaaliya la siyaasadeeyay, isla markaana sidii loogu talo galay aan loo siin.

Wuxuu sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka xun tahay horumarka Puntland, taasi bedelkeena ay ku colaadineyso waa sida uu hadalka u dhigay Madaxweyne kuxigeenka dowlad Goboleedka Puntland Ilyaas Ilyaas Cismaan Lugatoor.

Sidoo kale wuxuu sheegay in dowladda uu hoggaamiye Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ay bedeshay Dastuurkii lagu heshiiyay, isla markaana dalka Soomaaliya ay ku wado God Aakhiro oo aan laga soo laaban doonin.