Dowladda Hindiya ayaa ku dhawaaqday inay howlgal milatari oo socday 48 saacadood ku badbaadisay markabka kalluumeysiga ee Azini oo ay koox burcad-badeed Soomaali ah ku qabsadeen xeebaha waqooyi-bari ee Soomaaliya.
Wasiirka Difaaca Hindiya, Rajnath Singh, ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa X ku xaqiijiyay in ciidanka badda Hindiya ay ku guuleysteen inay gacanta ku dhigaan markabka, isla markaana ay sii daayaan 20 shaqaale ah oo saarnaa.
Rajnath Singh ayaa sheegay in howlgalka oo dhacay 2-dii November 2026 uu ahaa mid si heer sare ah loo qorsheeyay, ayna taageero ka geysatay ciidanka cirka Hindiya. Wuxuu ammaanay awoodda ciidanka badda dalkiisa ee ka jawaabista khataraha amni ee ka jira Badweynta Hindiya.
Markabka Azini oo laga leeyahay dalka Iiraan ayaa la afduubtay 29-kii October, xilli uu marayay biyaha u dhexeeya deegaannada Bandar Bayla iyo Xaafuun ee xeebaha waqooyi-bari Soomaaliya. Sida ay wararku sheegayaan, 12 burcad-badeed ah ayaa la wareegay markabka, xilligaas oo ay saarnaayeen 21 shaqaale Iiraaniyiin ah iyo laba ilaalo Soomaali ah.
Warbixinnada ayaa sheegaya in markabka laga furtay burcad-badeed hubeysan, kuwaas oo doonayay inay u adeegsadaan saldhig ay ka weeraraan maraakiibta ganacsiga ee mara marinnada muhiimka ah ee Badweynta Hindiya.
Howlgalka ayaa ka dhacay meel ka badan 3,000 oo kiiloomitir u jirta magaalada Mumbai, waxaana la adeegsaday markab dagaal iyo taageero dhinaca cirka ah.
Dhacdadan ayaa mar kale soo jeedisay walaaca laga qabo dib u soo laba-kacleynta burcad-badeedda Soomaaliya, kaddib markii bilihii u dambeeyay ay kordheen afduubyada maraakiibta ka socda Badweynta Hindiya iyo Gacanka Cadmeed.



