Tababaraha cusub ee kooxda Manchester United ayaa ka hadlay sababta ay shaxda kooxdaas shalay uga maqnaayeen, cayaaryahanada da’ada yar ee kala aj Marcus Rashford iyo Alejandro Garnacho, kulankii ay 2-1 ugu adkaadeen kooxda Manchester City oo ay marti u ahaayeen.
Mar wax laga weydiiyay maqnaanshiyaha labada ciyaaryahan oo weerarka iyo garabka ugu ciyaara Manchester United, ayaa waxaa uu sheegay in aanan lala xirriirineyn arrimo “akhlaaqda cayaartooyda” ah.
Labada cayaartooy kama aysan maqneyn shaxda keliya ee balse waxaa laga reebay guud ahaan cayaartooyda soo safartay.
Rashford, sawir ayuu soo dhigay baraha bulshada isagoo u dabaal degaya guusha ay gaartay kooxdiisa balse Garnacho kama hadal.
Waxaa jira hadallo laysla dhex marayay baraha bulshada oo la xiriira maqnaanshiyahooda.
“Aniga, waxaan muhiimadda saaraa ka qeyb galkaaga tababarka, qaabka aad u cayaareysid, labiskaaga, qaabka aad wax u cuneysid iyo sida aad ula dhaqmeysid cayaartooyda saaxiibadaa ah”, ayuu yiri Amorim
Maqnaanshiyaha Rashford iyo Garnacho ayaa yimid kadib markii baraha bulshada loo dusiyay shaxda ay ku cayaarayeen kooxda Manchester United.
Rashford ayaa cayaarayay dhamaan kulamadii kooxda, tan iyo markii uu xilka la wareegay tababare Amorim.