DAAWO: Heshiis la kala dhex-dhigay Beelo ku dagaalamay Gobolka Galgaduud ( Warbixin)

Wasaarada Arimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Galmudug oo ku soo gabagabeysay degaanka Balihowd oo hoos taga Degmada Balanballe ee Gobolka Galgaduud shir dib-u-heshiineed oo socday maalmihii la soo dhaafay.

Shirkaan dib-u-heshiineed oo ay garwadeen ka ahayd Wasaarada Arimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Galmudug ayaa u dhaxeeyey Dadka walaalaha ee Halkaas wada Daga, wuxuuna ahaa shir Nabadeed oo daba socda shirar dib-u-heshiineed oo horay loogu qabtay Bulshada Deegaanadaas.

Wasaaradda arrimaha Gudaha galmudug ayaa ku guuleysatay inay heshiis kala dhex-dhigto dhinacyadii dagaalamay, iyada oo Go’aamo laga soo saaray shirka.

Halkan ka Daawada Warbixinta Warkaan oo faah faahsan