Maamulaha naadiga Manchester City, Pep Guardiola, ayaa sheegay in naadiga uu khatar ugu jiro in xili ciyaareedka soo socda uusan boos ka helin ciyaaraha Horyaalka Yurub.
Naadiga City ayaa markii 14-aad oo xiriir ah soo galay horyaalka. Arsenal iyo Manchester United ayaa ahaa labada naadi ee ugu waqtiga dheeraa naadiyada Ingiriiska. Arsenal waxay horyaalka ku jirtay intii u dhexeysay 1998 ilaa iyo 2017-kii halka Manchester United ay ku jirtay intii u dhexysay 1996 ilaa iyo 2014-kii.
Horyaalka Ingiriiska, City waxay ku jirtaa booska 7-aad kaddib markii ay dheeleen 17 kulan. Afar dhibcood ayey ka dambeeyaan naadiga Nottingham Forest halka ay dhibic ka hooseeyaan naadiga kaalinta shanaad ku jira ee Bournemouth.
“Markii aan hore u sheegay dadka way igu qosleen” ayuu yiri Guardiola oo saxaafadda la hadlayay, wuxuuna intaas ku daray. “waxay dheeheen dadka in loo soo baxo horyaalka Yurub ma ahan guul weyn”. Guardiola wuxuu kaloo sheegay in uu ogyahay in tani ay ku dhacdo naadiyo badan oo dhalkan ah. “sanado badan ayey hoggaaminayeen kaddibna sanado badan ayey ku guuldaresteen in ay u soo baxaan horyaalka Yurub.