Ciidamo katirsan NISA oo xiray Wariye Cabduqaadir Jakaarta

Ciidamo katirsan kuwa Nabadsugida Soomaaliya gaar ahaan qeybta dharcadka oo bustoolado ku hubeysan ayaa Habeenkii Khamiista oo Jimco soo galeysay Taariikhduna ku beegneyd  18/10/2024 abaara 1: 00 Habeenimo ka watay Gurigiisa oo kuyaalla degmada Boondheere ee Gobolkan Banaadir, Wariye Cabduqaadir Maxamed Nuur ( Jakaarta) oo katirsan Shaqaalaha Raadiyaha iyo Tv-ga Risaala ee Magaalada Muqdisho, iyaga oo kusoo wareejiyay Xaafadaha degmada.

Wariyaha oo Gacmaha Katiinad uga xiran ayay ku tilmaameen in uu yahay Amiir katirsan Al-Shabaab, waxaana ay ku sameeyeen handadaad xoogan, iyo caga jugleyn.

Howlgalka Wariye Cabduqaadir Jakaarta oo katirsan Radio Risaala lagu xiray ayaa waxaa kusoo biiray saacado kadib Taliyaha qeybta Bartamaha ee Ciidanka NISA Gaashaanle Shakiib oo watay Gaari Ciidan ee Cabdi Billaha ah iyo Ciidamo hubeysan oo katirsan NISA.

Abaara 4:30 Habeenimo ayay Gurigiisa kusoo celiyeen, iyaga oo ku amray in uu soo bixiyo taleefoonadiisa kadibna waxaa ay geeyeen, isaga iyo Sarkaal katirsan Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed oo Guriga la deganaa Xabsiga Godka Jilacow.

Intaas kadib waxaa ay ku billaabeen Wareysi isugu jiray Su’aalo weeydiin iyo handadaad, iyaga ku amraya in uu qirto in uu ka tirsan yahay Kooxda Al-Shabaab.

Muddo ka badan Lix Saacadood oo uu ku xirnaa Xabsiga Godka Jilacow ayay u sheegeen in lagu qaldamay oo la siideeynaayo, balse ay shuruudu tahay in uusan Warbaahinta la hadlin oo uu ka aamuso dhibaatada iyo xorriyad ka qaadistii loo geystay, taas oo keentay in uu damiin u keeno kadibna ay siidaayaan.