Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo gaaray Farumaha dagaalka ee Bariga gobolka Galgaduud

Wasiirka  Wasaaradda Gaashaandhigga XFS Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa gaaray degaanka Girileey oo hoostaga degmada Ceel-dheer ee gobolka Galguduud oo shalay Xoogga Dalka  ay kula dagaalameen Alshabaab .

Wasiirka ayaa waxaa halkaasi kusoo dhoweeyay Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS Jeneraal Dayax Cabdi Cabdulle oo hoggaaminayo howlgalka kasoconayo bariga gobolka Gal-guduud.