Wargayska New York Times ayaa ku warramay inay saraakiisha Israa’iil u sheegeen in duqeymaha aan horey loo arag ee ka dhacay koonfurta Beirut in lala beegsaday shir ay lahaayeen hoggaamiyayaasha sare ee Xisbullah oo uu ku jiro Hashem Safi al-Din oo la filayay inuu jagada hoggaamiyaha sare ka beddelo Nasrallah oo Israa’iil ay duqeyn ku dishay.
Muuqaal la soo bandhigay ayaa muujinayay dhismayaashii dhaadheera oo isku beddelay fool-kaano iyo godod waa weyn oo dhulka ka qodmay, wax u muuqda bartilmaameed godod dhismayaasha hoostooda ah in la beegsaday.
Dhinaca kale Boqollaal diyaaradood oo kuwa dagaalka Israa’iil ayaa buuxiyay hawada magaalada Beirut, waxay u muuqataa inay qaadeen duulaan ay kaga aargoosanayaan waxa ku qabsaday ciidankooda dhulka xadka Lubnaan, dhabtii waa wax naxdin leh duqeymaha waxyar ka hor ay ka geysatay Israa’iil caasimadda Lubnaan ee Beirut , waana duqeyn aan abid uga dhicin , waxayna ka badanyihiin bambooyinka weerarkii lagu dilay Nasrallah oo ay Israa’iil adeegsatay boqol diyaaradood iyo 83 bambo oo mid kasta hal tan oo walxaha qarxa ay tahay, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Reuters.