Ciidamada dowladda iyo kuwa degaanka oo Al-Shabaab kala wareegay degaano dhowr ah

Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa degaanka howlgallo xoogan waxaa ay ka sameeyeen degaano hoostaga degmada Ceeldheer ee Gobolka Galgaduud, halkaas oo mararka qaar ay dhaq dhaqaaqyo ka sameyn jireen Kooxda Al-Shabaab.

Howlgalka ayaa waxaa ay sigaar ah ay Ciidamadu uga fuliyeen dhulka howdka ah ee u dhaxeeya Galcad, cowsweyne iyo Galhareeri ee Gobolka  Galgaduud, iyaga oo Ciidamada ay la wareegeen degaano dhowr ah.

Goobaha ay Ciidamadu howlgallada kula wareegeen ayaa waxaa kamid ah degaannada,  Cali-Yabaal, Xuseen Cafeey, Geerile, Dhabaqle iyo degaano kale oo katirsan Gobolka Galgaduud.

Abaanduulaha qeybta 21aad ee Ciidanka xoogga dalka oo Warbaahinat kula hadlay degaanka Cali-Yabaal ayaa sheegay inay sii wadi doonaan howlgallada si ay bariga Gobolka Galgaduud uga saaraan Kooxda Al-Shabaab.

Todobaadyadii la soo dhaafay ayaa Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa degaanka waxaa ay howlgallo ka wadeen degaano kuyaalla Bariga Gobolka Galgaduud, iyaga oo Ciidamadu ay Al-Shabaab kala wareegeen degaano dhowr ah.