Wafdi ka socda Soomaaliya oo Shir uga qeyb galay dalka Zambia

Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada XFS, Maxamed Aadan Macalin Cali ayaa ka qeybgalay Shirweynaha Dhijitaalka ee Dowladaha Afrika 2024 oo ka dhacay magaalada Lusaka ee wadanka Zambia, waxaana si rasmi ah u furay Madaxweynaha Dalkaasi Hakainde Hichilema.

Intii uu socday Shirka Wasiirka Isgaarsiinta ayaa ka qeybgalay Dood wadaag waxa uuna ka hadlay horumarka ay Dowladda Soomaaliya ka gaartay Dhanka dhijitaalka, Isgaarsiinta iyo ICT-da oo muhiimad u leh la jaanqaadista Isbadalka Dunida casriga ah.

Wasiirka Isgaarsiinta ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay sameysay Sharciyo muhiim u ah Horumarinta Teknoolajiyadda Casriga ah, waxa kale uu sharaxay mashruuca Isku-xirka Dhijitaalka ee Bariga Afrika oo waxbadan ka badali doono kobaca Dhaqaalaha Dalka iyo isku xirka wadamada Bariga Afrika, islamarkaana Soomaaliya ay diyaar u tahay Maalgashi Caalami ah ee dhanka Dhijitaalka.