Senetarka caanka ah ee reer Mareykan Ted Cruz oo mar kale codsaday in la aqoonsado Somaliland
Senetar Ted Cruz ayaa mar kale u dooday jamhuuriyadda gooni isutaageeda ku dhawaaqday ee Somaliland, isagoo markan ka codsaday Mareykanka inuu aqoonsado Somaliland.
Qoraal uu soo dhigay bartiisa X ayuu ku sheegay in la gaaray xiligii la aqoonsan lahaa Somaliland, isagoo xusay in madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, uu horey u sheegay in Somaliland ay tahay “dal ka duwan Soomaaliya.
“Madaxweyne Trump ayaa si sax ah u sheegay in Somaliland ay tahay “dal gebi ahaanba ka duwan Soomaaliya”. Taasi waa siyaasadda saxda ah. Waxay ahayd in mar hore Maraykanku aqoonsado Somaliland”, ayuu ku yiri qoraalkiisa.
Waxaa uu dhanka kale ka hadlay su’aalo uu weydiiyay Devin Kennington, oo ah safiirka Mareykanka ee Soomaaliya ee la magacaabay.
“Maanta waxaan su’aalo weydiiyey qofka loo magacaabay inuu noqdo safiirka Maraykanka ee Soomaaliya, si aan u xaqiijiyo inuu taageersan yahay mowqifka Madaxweyne Trump. Hase yeeshee, wuu diiday”, ayuu yiri.
“Waxaan u sheegay in xaqiijinta magacaabistiisa iyo inuu xilkaas qabanayo iyo in kale ay ku xirnaan doonto haddii Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Maraykanku raacdo tilmaamaha Madaxweynaha”, ayuu sii raaciyay qoraalkiisa.
Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa markii ugu horraysay Somaliland ku tilmaamay “dal ka duwan” Soomaaliya, xilli uu khudbad ka jeedinayay magaalada Youngstown ee gobolka Ohio, 13-kii bishii Oktoobar.
Ted Cruz, waa mid ka mid ah madaxda la soo doorto ee Maraykanka ee saamaynta leh oo madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ka dalbaday in aqoonsi heer waddan la siiyo Somaliland oo tan iyo 1991 baadigoob ugu jirto inay ictiraaf hesho.
“Somaliland waxay noqotay saaxiib muhiim u ah Maraykanka dhinaca amniga iyo diblomaasiyadda, taasoo ka caawinaysa Maraykanka horumarinta danaha amniga qaranka ee Geeska Afrika iyo meelo kaleba. Waxay ku taal meel istaraatiiji ah oo ah gacanka Cadmeed, iyadoo u dhow mid ka mid ah marinnada badda ee ugu mashquulka badan adduunka. Waxay leedahay ciidamo hubaysan oo tayo leh, waxayna gacan ka geysataa la dagaalanka argagixisada iyo hawlgalada burcad badeeda ee gobolka” ayuu yiri Cruz sanadkii hore.



