Afar qodob oo ay isku raaceen Mucaaradka iyo taliyeyaasha Ciidamada.

Taliyeyaasha Ciidamada Militariga, Booliiska iyo Nabad-sugidda, iyo Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa xalay kulan gaar ah la yeeshay hoggaanka mucaaradka, gaar ahaan Madasha Samatabixinta, kaas oo looga hadlay xaaladda amniga dalka iyo khilaafka siyaasadeed ee taagan.

 

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray khataraha amni ee saraakiishu sheegeen inay dalka soo wajahayaan, iyagoo hoggaanka mucaaradka ka codsaday inay kala shaqeeyaan sidii si wadajir ah looga hortagi lahaa xaaladaha amni ee soo kordhaya.

Intii Kulanku socday waxyaabaha looga hadlay ee la isku afgartay waxaa ka mid ah:

1. Ka Fogaanshaha siyaasadaynta amniga:In labada dhinac ay ka fogaadaan siyaasadaynta arrimaha amniga qaranka.

2. La-dagaallanka Argagixisada: In si wadajir ah looga hortago kooxaha argagixisada ee Al-Shabaab iyo Daacish, meelna looga soo wada jeesto.

3. Doorasho heshiis lagu yahay: In dalka laga qabto doorasho ku dhisan heshiis iyo is-afgarad siyaasadeed.

4. Dhisidda kalsoonida: In la xoojiyo kalsoonida iyo wada shaqaynta labada dhinac.

 

Dhanka Dowladda Federaalka, kulanka waxaa ka qaybgalay Taliyaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), Mahad Maxamed Salaad; Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Asad Cabdullaahi Cusmaan; Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Gaas Ibraahim Maxamed; iyo Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida, Korneel Xasan Cali Nuur (Shuute).

 

Dhanka Madasha Mustaqbalka, waxaa kulanka ka qaybgalay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed; Ra’iisul Wasaarihii hore, Xasan Cali Khayre; Ra’iisul Wasaarihii hore, Maxamed Xuseen Rooble; Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame; Xildhibaan Cabdullaahi Carab; iyo Maxamed Aadan Koofi.

Dhankooda, hoggaanka Madasha Samatabixinta ayaa saraakiisha u sheegay inay diyaar u yihiin la shaqaynta hay’adaha amniga, balse waxay xuseen inay muddo dheer ka digayeen in khilaafka siyaasadeed uu halis gelin karo amniga iyo xasilloonida dalka, iyagoo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku eedeeyay inuusan dhegaysan digniinahooda.

 

Soomaaliya ayaa haatan ku jirta marxalad siyaasadeed oo xasaasi ah, iyadoo weli uu muran ka taagan yahay hannaanka doorashooyinka, kaas oo ay isku hayaan Villa Soomaaliya iyo hoggaanka mucaaradka.

 

Dhanka kale, Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa dhawaan ka jawaabay gogosha wada-hadalka ee uu dhigay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, iyagoo sheegay inaan xal waara laga gaari karin khilaafka siyaasadeed haddii aan la helin dhex-dhexaadin caalami ah.

 

Golaha Mustaqbalka ayaa dalbaday in wada-hadallada cusub ay goobjoog ka ahaadaan wakiillada beesha caalamka ee fadhigoodu yahay magaalada Muqdisho, si ay uga qayb qaataan dhex-dhexaadinta dhinacyada iyo sidii heshiis siyaasadeed looga gaari lahaa khilaafka taagan.

 

Kulankan ay saraakiisha amniga la yeesheen mucaaradka ayaa imaanaya xilli ay sii kordhayaan dadaallada lagu doonayo in lagu dejiyo xiisadda siyaasadeed, iyadoo dhinacyada kala duwan ay weli ku kala aragti duwan yihiin hannaanka doorashada iyo mustaqbalka dowladnimada dalka.