DFS oo si adag uga hortimid faragelinta Imaaraadka, digniin culusna dirtay.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag uga hortimid waxa ay ku tilmaantay faragelin joogto ah oo Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta ay ku hayso arrimaha gudaha Soomaaliya, iyadoo sheegtay in tallaabooyinkaasi ay halis ku yihiin madax-bannaanida, wadajirka dhuleed iyo midnimada qaranka.

 

War-saxaafadeed ay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya soo saartay 18-kii Nofeembar 2026, ayaa lagu sheegay in dowladda Soomaaliya ay walaac xooggan ka muujinayso siyaasadaha Imaaraadka Carabta ee la xiriira arrimaha gudaha dalka.

 

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in mowqifkeeda ku aaddan faragelinta shisheeye uu yahay mid cad, iyadoo xustay inaysan aqbali doonin heshiisyo amni oo barbar socda nidaamka qaranka, kuwaas oo hareer maraya Dowladda Federaalka Soomaaliya.

 

War-saxaafadeedka ayaa lagu xusay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay tahay hay’adda keliya ee awoodda u leh inay dalka ku matasho xiriirka diblomaasiyadeed, iyadoo Imaaraadka loogu baaqay in dhammaan xiriirrada uu la leeyahay Soomaaliya uu si toos ah ula yeesho dowladda dhexe, lana raaco Axdiga Qaramada Midoobay iyo shuruucda caalamiga ah.

 

Sidoo kale, dowladda Soomaaliya ayaa caddeysay in cabashadeedu ay si gaar ah ugu wajahan tahay siyaasadaha dowladda Imaaraadka Carabta, balse aysan ahayn xiriirka saaxiibtinimo ee soo jireenka ah ee ka dhexeeya shacabka Soomaaliyeed iyo shacabka Imaaraadka.

 

Qoraalka ayaa lagu adkeeyay in Soomaaliya ay qaadi doonto dhammaan tallaabooyinka sharciyeed ee lagama maarmaanka u ah ilaalinta madax-bannaanideeda, midnimadeeda iyo wadajirka dhuleed ee dalka.

 

Bayaan-kan ayaa soo baxay kaddib khudbaddii qaran ee uu Talaadadii jeediyay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, taas oo uu kaga hadlay arrimaha madaxbannaanida iyo faragelinta dibadda.