Xasan Sheekh oo dadaal ugu jira xalinta xiisadda Beledweyne.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa wada dadaallo lagu doonayo in xal looga gaaro xiisadda siyaasadeed iyo tan amni ee ka taagan magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

 

Wararka laga helayo xaaladda Beledweyne ayaa sheegaya in Madaxweynaha uu doonayo in xiisadda lagu xalliyo wada-hadal iyo is-afgarad, halkii loo adeegsan lahaa awood ciidan, isaga oo doonaya in wax laga qabto tabashooyinka ay qabaan dadka reer Hiiraan.

 

Xasan Sheekh ayaa la sheegay inuu ergooyin kala duwan u diray Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan Ugaas Khaliif, oo hormuud u ah dadaallada iyo mowqifka dhaqanka ee ka dhanka ah xaaladda siyaasadeed ee Hirshabeelle iyo arrimaha ka taagan Beledweyne.

Dhanka kale, dadaalladan ayaa imanaya xilli xiisadda Beledweyne ay sii xoogeysatay, kaddib markii Ugaas Yuusuf uu baaq u diray ciidamada iyo bulshada reer Hiiraan, isaga oo ka hadlay tabashooyinka gobolka iyo khilaafka ka dhashay hoggaanka Hirshabeelle.

Dowladda Federaalka ayaa wajahaysa cadaadis sii kordhaya oo ku aaddan sidii loo heli lahaa xal siyaasadeed oo ka hortaga iska horimaad hubeysan, isla markaana lagu qanciyo dhinacyada tabashada qaba.