Dowladaha Qatar iyo Norway ayaa magaalada Dooxa ku yeeshay kulan diblomaasiyadeed oo looga hadlay xaaladihii ugu dambeeyay ee Soomaaliya, iyadoo labada dal ay isla soo qaadeen xiriirka iskaashi ee ka dhexeeya iyo arrimaha la xiriira xaaladda dalka.
Ergayga gaarka ah ee Wasiirka Arrimaha Dibadda Qatar, Jaasim bin Maxamed Al-Asmakh, ayaa Talaadadii 17-kii Nofeembar 2026 kulan la yeeshay Einar Rystad, oo ah ergayga gaarka ah ee dowladda Norway u qaabilsan Soomaaliya, kaas oo booqasho ku jooga dalka Qatar.
War rasmi ah oo kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Qatar ayaa lagu sheegay in kulanka diiradda lagu saaray xiriirka iskaashi ee labada dowladood iyo xaaladihii ugu dambeeyay ee Soomaaliya.
Kulankan ayaa imanaya xilli Soomaaliya ay ku jirto marxalad siyaasadeed oo xasaasi ah, iyadoo ay dalka ka jiraan khilaafaad siyaasadeed oo u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo qaar ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka iyo maamul-goboleedyada, kuwaas oo la xiriira arrimaha dastuurka, doorashooyinka iyo mustaqbalka hannaanka siyaasadeed ee dalka.
Norway ayaa muddooyinkii dambe kaalin diblomaasiyadeed ku lahayd arrimaha Soomaaliya, iyadoo xiriir kala duwan la leh dhinacyada siyaasadda dalka, halka Qatar ay iyaduna ka mid tahay dalalka taageera Dowladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada iskaashiga iyo xiriirka diblomaasiyadeed.
Inkasta oo Wasaaradda Arrimaha Dibadda Qatar aysan faahfaahin ka bixin qodobada gaarka ah ee Soomaaliya laga wada hadlay ama wax go’aan ah oo kulanka kasoo baxay, haddana kulankan ayaa muujinaya sida ay labada dowladood ula socdaan isbeddellada siyaasadeed iyo xaaladda guud ee Soomaaliya.
Kulanka ayaa sidoo kale imanaya xilli ay socdaan dadaallo diblomaasiyadeed oo caalami ah oo la xiriira xasilloonida siyaasadeed iyo amniga Soomaaliya.




