Israel oo ku baaqday in la weeraro Iran.

Wargeyska Maraykanka ee The Wall Street Journal ayaa warbixin cusub ku qoray in madaxa hay’adda sirdoonka Israa’iil ee Mossad, Roman Goffman, uu ku baaqay in dib loo bilaabo weerarrada wadajirka ah ee Maraykanka iyo Israa’iil ay ku qaadaan Iiraan, intii uu booqashada ku joogay Maraykanka toddobaadkii hore.

 

Wargeysku waxa uu sheegay in dad xog-ogaal u ah wadaxaajoodyada ay u sheegeen in arrintani timid xilli la sheegay in Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu ka fiirsanayay tallaabooyinka uu ka qaadi karo Tehran.

 

Roman Goffman, oo ah madaxa Mossad isla markaana ay isku dhow yihiin Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu, ayaa Jimcihii Washington kula kulmay saraakiil ka tirsan maamulka Trump. Saraakiisha uu la kulmay waxaa ka mid ahaa John Ratcliffe, agaasimaha hay’adda sirdoonka Maraykanka ee CIA.

 

Sida ay ilo-wareedyo u sheegeen The Wall Street Journal, Goffman ayaa kulankaas ku soo bandhigay xog sirdoon oo Israa’iil ka heshay barnaamijka nukliyeerka Iiraan.

 

Ilo-wareedyadu waxay intaas ku dareen in madaxa Mossad uu ku baaqay olole cusub oo duqeymo cirka ah oo Iiraan lagu qaado, kaas oo soconaya dhowr maalmood.

 

Iiraan ayaa ka digtay in aan la hurin dagaal cusub.

 

Saraakiisha siyaasadda iyo milatariga dalkaas, oo uu ku jiro Mohsen Rezaei oo ah xoghayaha Golaha Sare ee Amniga Qaranka Iiraan, ayaa sheegay in haddii dagaal mar kale qarxo, Iiraan ay ballaarin doonto xuduudaha colaadda si ay uga gudubto gobolka.