Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Isutagga Imaaraadka Carabta ayaa si adag u cambaareysay tallaabooyinka dowladda Soomaaliya ay ka qaaday Imaaraadka, iyadoo ku tilmaantay kuwo aan loo meel dayin, isla markaana dhaawacaya xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga labada dal.
War-saxaafadeed ay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Imaaraadka soo saartay 19-ka Nofeembar 2026, ayay ku sheegtay in tallaabooyinka dowladda Soomaaliya ay ka hor imaanayaan danaha wadajirka ah ee labada dal, ayna saameyn taban ku yeelanayaan xiriirkooda.
Imaaraadka ayaa ku adkeystay in go’aannada saameynaya xiriirka labada dal lagu saleeyo danaha guud iyo iskaashiga, halkii lagu dhex milmi lahaa arrimaha siyaasadda gudaha Soomaaliya iyo khilaafaadka awood-qaybsiga.
Wasaaradda ayaa sidoo kale sheegtay in Imaaraadku horay u xiray safaaraddiisa Muqdisho, isla markaana bishii Janaayo 2026 uu kala baxay shaqaalihiisii diblomaasiyadeed, kaddib tallaabooyin ay ku tilmaantay kuwo cadaawad leh oo dowladda Soomaaliya kula kacday safaaradda Imaaraadka iyo siyaasaddiisa.
Dhanka kale, dowladda Imaaraadka ayaa sheegtay inay ixtiraam weyn u hayso shacabka Soomaaliyeed, ayna aqoonsan tahay xiriirka taariikhiga ah iyo walaaltinimada ka dhexeysa labada shacab, iyadoo muujisay inay danaynayso ilaalinta xiriirkaas.
War-saxaafadeedkan ayaa imaanaya xilli xiriirka Soomaaliya iyo Imaaraadka uu galay xaalad aad u xasaasi ah, kaddib tallaabooyinkii ugu dambeeyay ee dowladda Soomaaliya ay ka qaaday safiirrada iyo xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal.




