Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee 16 dal, oo ay ku jiraan Soomaaliya, Imaaraadka Carabta, Sacuudiga, Qatar, Kuwait, Cumaan, Urdun, Masar, Aljeeriya, Falastiin, Liibiya, Turkiga, Pakistan, Indonesia, Niger iyo Maldives, ayaa si wadajir ah u soo dhaweeyay cunaqabateyn ay dowladaha Britain iyo Australia ku soo rogeen shaqsiyaad iyo hay’ado ku lug leh falalka sharci-darrada ah ee Israa’iil ay ka waddo dhulka Falastiin ee la haysto.
Bayaan ay si wadajir ah u soo saareen wasiirrada arrimaha dibadda dalalkan ayaa lagu sheegay inay taageersan yihiin tallaabooyinka cunaqabateynta ah ee Britain iyo Australia ka qaadeen hawlaha deegaameynta sharci-darrada ah ee Israa’iil, gaar ahaan shirkadaha ku lugta leh dhismaha deegaannada ay Israa’iil ka sameysanayso dhulka Falastiiniyiinta.
Wasiirradu waxay sidoo kale soo dhaweeyeen go’aanka dowladda Britain ay cunaqabateynta ugu soo rogtay urur lagu eedeeyay inuu caqabad ku yahay gaarsiinta gargaarka bani’aadannimo ee Marinka Gaza, xilli dadka ku nool Gaza ay wajahayaan xaalad bani’aadannimo oo aad u adag.
Dalalkan ayaa ku adkeystay muhiimadda ay leedahay in la qaado tallaabooyin lagu joojinayo deegaameynta sharci-darrada ah, laguna ilaalinayo xuquuqda shacabka Falastiin, iyadoo la xaqiijinayo in gargaarka bani’aadannimo uu si aan carqalad lahayn ku gaaro dadka u baahan.





