Imaaraadka oo garoomada Boosaaso iyo Berbera u beddelay saldhigyo ciidan.

Warbixin baaritaan ah oo ay baahisay wargeyska The New York Times ayaa sheegtay in Imaaraadka Carabta uu garoomada diyaaradaha ee Boosaaso iyo Berbera, oo ku yaalla waqooyiga Soomaaliya, u beddelay xarumo waaweyn oo ciidan, kuwaas oo loo adeegsanayo dhaqdhaqaaqyo milatari iyo saameynta gobolka.

 

Warbixinta oo ku saleysan sawirro dayax-gacmeed, xogta dabagalka diyaaradaha iyo baaritaan muuqaal ah, ayaa muujineysa dhismayaal ciidan, hangarro, goobo lagu dejiyo diyaaradaha qumaatiga u kaca, xarumo difaac iyo dhismayaal dhulka hoostiisa ah oo laga sameeyay labada garoon.

 

Wargeyska ayaa sheegay in garoonka Berbera uu sanadihii ugu dambeeyay ka gudbay garoon diyaaradeed oo caadi ah, una muuqdo xarun ciidan oo ballaaran, iyadoo la dhisay goobo lagu keydiyo qalabka militariga, difaacyo iyo meelaha laga ilaaliyo weerarrada.

 

Sawirrada cusub ayaa sidoo kale muujinaya diyaarado xamuul oo ka yimaada saldhigyada militariga Imaaraadka, gaadiid lagu keydiyo hangarro iyo gaadiid kale oo la sheegay in loo diyaarinayo in loo qaado goobaha colaadaha ee Suudaan iyo Itoobiya.

 

Boosaaso ayaa iyaduna lagu arkay dhismayaal la mid ah kuwa Berbera, oo ay ku jiraan hangarro diyaaradeed, goobo ay ku degi karaan diyaaradaha qumaatiga u kaca, dhismayaal dhulka hoostiisa ah iyo nidaam difaaca cirka ah.

 

Warbixintu waxay sidoo kale sheegtay in sawirrada Boosaaso lagu arkay diyaarado aan duuliye lahayn, kuwaas oo la rumeysan yahay in Imaaraadku u adeegsan karo howlgallada ka dhanka ah maleeshiyaadka Al-Shabaab.

 

Dhanka Mareykanka, xogta dabagalka duulimaadyada ayaa muujineysa in diyaarado militari oo Mareykan ah ay booqdeen Berbera laba jeer sanadkii lasoo dhaafay, iyadoo duulimaadkii ugu dambeeyay ee bishii Agoosto uu saraakiil ka tirsan ciidamada gaarka ah ee Mareykanka ka qaaday Jabuuti, kuna geeyay Berbera, kadibna u sii gudbay Boosaaso.

 

Laba qof oo xog-ogaal u ah howlgalada Mareykanka ee Boosaaso ayaa wargeyska u sheegay in ilaa 24 askari oo ka tirsan ciidamada gaarka ah ee Mareykanka ay halkaas ku sugan yihiin, iyagoo taageeraya Puntland dagaalka ka dhanka ah kooxaha hubeysan, balse Washington aysan qorsheyneyn joogitaan joogto ah.

 

Saraakiil Mareykan ah ayaa sidoo kale sheegay inaysan qorsheyn saldhig joogto ah oo Berbera laga sameeyo, balse ay doonayaan inay la shaqeeyaan dhinacyada gobolka si ay u ilaaliyaan danahooda amni iyo istaraatiijiyadeed.

 

Warbixinta ayaa arrintan ku xirtay isbeddelka amni ee gobolka, gaar ahaan xiisadda ka taagan Bariga Dhexe iyo dhaqdhaqaaqyada Xuutiyiinta Yemen, kuwaas oo kordhiyay muhiimadda istaraatiijiyadeed ee marin-biyoodka Baabul-Mandab iyo Gacanka Cadmeed.

 

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa horey u sheegtay in heshiisyada Imaaraadka ee dekedaha Boosaaso, Berbera iyo Kismaayo, iyo dhismaha xarumo ciidan, ay ka dhacayeen iyadoo aan la marin dowladda dhexe, taasoo ay ku tilmaantay xadgudub ka dhan ah madax-bannaanida iyo midnimada dalka.

 

Imaaraadka Carabta ayaa dhankiisa horey u beeniyay eedeymaha ku saabsan inuu hub iyo taageero milatari u gudbiyo dhinacyada dagaallada Suudaan, wuxuuna sheegay in xiriirkiisa Soomaaliya uu yahay mid ku saleysan iskaashi iyo danaha labada dhinac.