Dowladda Jabuuti ayaa faahfaahin ka bixisay weerarkii 19-kii Nofeembar ka dhacay agagaarka Garoonka Diyaaradaha Ugaas Khaliif ee magaalada Beledweyne, iyadoo xaqiijisay in ciidamadeeda qeybta ka ah howlgalka Hiil Walaal ay ka hortageen isku day lagu doonayay in garoonka gacanta lagu dhigo.
War-saxaafadeed ay baahisay Safaaradda Jamhuuriyadda Jabuuti ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in safaaraddu ay xiriir la sameysay taliska Qaybta Afraad ee Howlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasillinta Soomaaliya (AUSSOM), kaas oo xaqiijiyay in ciidamada howlgalka ay iska caabiyeen weerarka, kana hortageen in garoonka la qabsado.
Dowladda Jabuuti ayaa sidoo kale xaqiijisay inaysan jirin wax dhimasho ama dhaawac ah oo soo gaaray ciidamada Jabuuti ee loo yaqaan Hiil Walaal, kuwaas oo ku sugan garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif.
“Ciidamada howlgalka ayaa iska caabiyay weerarka, waxayna ka hortageen in garoonka diyaaradaha gacanta lagu dhigo,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.
Dowladda Jabuuti ayaa intaas ku dartay in joogitaanka ciidamadeeda Soomaaliya uu qeyb ka yahay ballanqaadkeeda ku aaddan taageeridda nabadda, xoojinta amniga iyo xasilloonida Soomaaliya, iyadoo sidoo kale muujisay inay ka go’an tahay taageerada iyo gargaarka shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan dadka ku nool gobolka Hiiraan.
Ciidamada Jabuuti ayaa gacanta ku haya Garoonka Diyaaradaha Ugaas Khaliif ee Beledweyne tan iyo sannadkii 2012-kii.




