Dowladda Soomaaliya oo war ka soo saartay howlgallada ka socda gobolka Bay.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa war ka soo saartay howlgallada milateri ee ka socda deegaanno ka tirsan gobolka Bay, kuwaas oo ay hoggaaminayaan ciidanka Kumaandooska Danab, xilli ay ciidamada dowladda kordhiyeen dhaq-dhaqaaqyada milateri ee ka socda deegaannada gobolkaas.

War kasoo baxay dowladda ayaa lagu sheegay in ciidanka Kumaandooska Danab ay howlgallo isugu jira nadiifin iyo burburin ka wadaan deegaannada Leego, Qardho iyo Jameeco ee gobolka Bay, kuwaas oo qayb ka ah dadaallada lagu xaqiijinayo amniga laguna wiiqayo awoodda maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Dowladda ayaa sheegtay in howlgalladan ay ujeeddadoodu tahay in laga saaro maleeshiyaadka Al-Shabaab goobaha ay ku dhuumaaleysanayaan, isla markaana la burburiyo meelaha ay u adeegsadaan dhaqdhaqaaqyadooda iyo abaabulka weerarrada.

Sidoo kale, war kasoo baxay dowladda ayaa lagu sheegay in xubno ka tirsan maleeshiyaadka Al-Shabaab ay isaga carareen deegaanno ay hore ugu sugnaayeen, kaddib markii ay la kulmeen dhaq-dhaqaaqyo ciidan iyo howlgallo amni xaqiijin ah oo ay wadaan ciidamada dowladda.

Ciidanka Kumaandooska Danab ayaa ka mid ah cutubyada sida gaarka ah u tababaran ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, waxaana loo adeegsadaa howlgallada gaarka ah ee ka dhanka ah maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Howlgalladan ayaa kusoo beegmaya xilli dowladda Federaalka Soomaaliya ay ciidamo dheeraad ah geysay deegaanno ka tirsan gobolka Bay, iyadoo dhaq-dhaqaaqyo milateri laga dareemayo deegaannada u dhexeeya Leego iyo Jameeco, kuwaas oo qayb ka ah gulufka ciidamada dowladda ay ka wadaan gobolka.

Dowladda Federaalka ayaa sheegtay in ciidamada ay sii wadi doonaan howlgallada lagu xaqiijinayo amniga, laguna wiiqayo awoodda maleeshiyaadka Al-Shabaab, iyadoo ujeeddadu tahay in shacabka laga dulqaado khatarta amni-darro ee ka jirta deegaannada ay kooxdu ku sugan tahay.

War-saxaafadeedka dowladda laguma faahfaahin khasaaraha ka dhashay howlgallada socda iyo tirada xubnaha maleeshiyaadka Al-Shabaab ee lagu dilay ama lagu qabtay.