Abiy Ahmed oo fariin adag u diray Soomaaliya iyo Eritrea.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, ayaa mar kale ka hadlay arrinta marin-badeedka Badda Cas, isaga oo khudbad u jeediyey baarlamaanka dalkiisa.

 

Abiy ayaa sheegay in Itoobiya aanay doonayn inay xoog ku qaadato ama boobto wax ay dal kale leeyihiin, balse ay rabto in dalalka gobolka ay si wadajir ah uga faa’iidaystaan khayraadka jira.

 

“Ujeeddadeennu ma aha inaan wax xadno ama boobno, waxaan rabnaa inaan si wadajir ah u kobocno,” ayuu yiri Abiy.

 

Waxa uu sheegay in arrinta Badda Cas aanay ahayn oo keliya mid dhul la xiriirta, balse ay sidoo kale khusayso amniga gobolka iyo hawada sare.

 

Abiy ayaa intaas ku daray in Itoobiya ay doorbidayso iskaashi iyo wadajir, isaga oo sheegay in aanay doonayn in dalalka deriska ahi isku dhacaan.

 

Waxa uu si gaar ah u xusay Eritrea, isaga oo sheegay in aanu jirin dal Itoobiya uga dhow marka laga eego dhaqanka, deegaanka iyo diinta.

 

“Koboca dalkeenna waxba uma dhimayo Eritrea, Jabuuti iyo Soomaaliya. Waxaan nahay qoys ay deris yihiin,” ayuu yiri.

 

Hase yeeshee, waxa uu sheegay in iskaashiga dalalka derisku aanu noqon karin mid hal dhinac oo keliya uu faa’iido ka helo, dhinaca kalena uu khasaaro kala kulmo.

 

Abiy ayaa sidoo kale sheegay in haddii helitaanka deked ay Itoobiya doonayso uu dhibaato u keenayo Eritrea, aanay taasi sax ahayn.

 

Isaga oo ka hadlayay xiriirka labada dal, ayuu sheegay in aanay sax ahayn in la yiraahdo Eritrea muddo 30 sano ah ma adeegsan waddooyin, isaga oo xusay in boqollaal kun oo Eritrean ahi ay Itoobiya ku nool yihiin, halka dalkiisu uu siiyo shaqo iyo hoy.