Uganda oo ku hanjabtay in ciidamadeeda ay la baxayso.

Ciidamada Difaaca Shacabka Uganda (UPDF) ayaa ku dhawaaqay inay labada toddobaad ee soo socda ciidamadooda kala bixi doonaan magaalada Lubero, oo ku taalla gobolka Waqooyiga Kivu ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo (DR Congo).

 

Sida lagu sheegay bayaan ay soo saartay Wasaaradda Difaaca Uganda, amniga magaalada ayaa lagu wareejin doonaa ciidamada dowladda Congo (FARDC) marka ay ciidamada Uganda halkaas ka baxaan.

 

Ciidamada Uganda ayaa tan iyo bishii Janaayo 2025 hawlgallo ka waday deegaankaas, iyaga oo isku dayayey inay la dagaallamaan maleeshiyaadka kooxda Allied Democratic Forces (ADF), kuwaas oo ka soo cararay hawlgallo milatari oo ay si wadajir ah uga fuliyeen gobollada Waqooyiga Kivu iyo Ituri.

 

Bayaanka waxaa saxiixay Korneyl Chris Magezi, oo ah ku-simaha agaasimaha warfaafinta ciidamada Uganda, balse laguma sheegin sababaha keenay go’aanka ciidanka loogala baxayo Lubero.

 

Dhanka kale, shalay ayay dowladda DR Congo u yeertay safiirka Uganda ee magaalada Kinshasa, si uu sharaxaad uga bixiyo qoraallo uu baraha bulshada ku baahiyey taliyaha ciidamada Uganda, Jeneraal Muhoozi Kainerugaba, oo ah wiilka madaxweynaha dalkaas.

 

Qoraallo dhowr ah oo uu ku baahiyey barta X ayuu jeneraalka ku sheegay inay suurtagal tahay in kooxaha fallaagadu la wareegaan magaalada Walikale, oo ah deegaan macdan badan leh oo ku yaalla bariga DR Congo.

 

Uganda iyo DR Congo ayaa bishii Nofeembar 2021 bilaabay hawlgal milatari oo wadajir ah oo ka dhan ah kooxda ADF iyo kooxo kale oo hubaysan oo ka hawlgala gobolka.

 

Ujeeddada hawlgalladaas ayaa ahayd in la wiiqo awoodda kooxahaas, lagana hortago inay khatar ku noqdaan amniga gobolka.