Wasiirka Arrimaha Dibadda Ukraine, Andrii Sybiha, ayaa sheegay in weerarkii ay Ukraine ku qaadday maraakiibta Ruushka ee ku sugnaa dekedda Benghazi ee dalka Liibiya uu bartilmaameedkiisu ahaa ciidamada milatariga Ruushka, balse aanu ahayn mid ka dhan ah Liibiya.
Sybiha oo farriin ku baahiyey barta X ayaa sheegay in Ukraine aanay wax qorshe ah u lahayn inay dagaalka ay Ruushka kula jirto ku fidiso Liibiya ama dal kale.
Axaddii, Ukraine ayaa adeegsatay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee badda si ay u weerarto markab dagaal oo nooca Corvette-ka ah iyo markab xamuul oo Ruushku leeyahay, kuwaas oo ku sugnaa dekedda Benghazi.
Wasiirka ayaa sheegay in bartilmaameedyada weerarku ay ahaayeen maraakiibta dagaalka ee Ruushka iyo kuwa xamuulka ee sida qalabka milatariga. Waxa uu intaas ku daray in Ukraine ay adeegsanayso xaqa ay u leedahay is-difaaca.
Sybiha ayaa sidoo kale raalli-gelin ka bixiyey, isaga oo muujiyey sida uu uga xun yahay khasaaraha ka dhashay weerarka ee gudaha Liibiya.
Dhanka kale, dowladda Liibiya ee fadhigeedu yahay Tripoli, isla markaana taageerada ka hesha dalalka reer Galbeedka, ayaa cambaareysay hawlgalka Ukraine. Waxay sheegtay in Liibiya aan lagu soo jiidi karin dagaalka u dhexeeya Ruushka iyo Ukraine.
Dhankeeda, dowladda Ruushka ee Kremlin-ka ayaa Ukraine ku eedaysay inay isku dayayso inay dagaalka ku fidiso badda Mediterranean-ka iyo badda Baltic-ga, tallaabadaas oo ay ku tilmaantay mid aad khatar u ah.




