Warbixin uu daabacay bogga wararka iyo falanqaynta caalamiga ah ee Eurasia Review ayaa ka digtay in iskaashiga la tuhunsan yahay ee Xuutiyiinta Yemen iyo maleeshiyaadka Al-Shabaab uu khatar ku yahay amniga xeebaha Soomaaliya, isla markaana uu dib u soo noolayn karo burcad-badeednimada Soomaaliya.
Warbixinta ayaa sheegtay in weerarrada Xuutiyiinta ee Badda Cas iyo awoodda ay ku leeyihiin marin-biyoodka Baab al-Mandab ay abuuri karaan fursado cusub oo ay kooxaha hubaysan uga faa’iidaysan karaan isku xirka Badda Cas, Gacanka Cadmeed iyo xeebaha Soomaaliya.
Eurasia Review ayaa xustay in Xuutiyiinta iyo Al-Shabaab ay yeelan karaan iskaashi dhinacyada hubka, tiknoolajiyadda iyo tababarka milatariga, iyadoo la sheegay in iskaashigaasi sidoo kale la xiriiri karo ballaarinta falalka burcad-badeednimada.
Warbixintu waxay tilmaantay in shirkadaha maraakiibta ee ka leexanaya Badda Cas ay u wareegayaan waddooyin mara hareeraha Geeska Afrika iyo xeebaha Soomaaliya, arrintaas oo kordhin karta fursadaha weerarrada burcad-badeedda.
Waxay sidoo kale soo qaadatay afduubkii markabka shidaalka qaada ee Honour 25, kaas oo bishii Abriil 2026 lagu afduubtay meel u dhow magaalada Eyl ee gobolka Nugaal, iyadoo warbixintu sheegtay in shan ka mid ah shaqaalihii markabka la dilay, shan kalena ay dhaawacmeen intii lagu guda jiray hawlgal lagu doonayay in lagu soo furto markabka.
Dhanka kale, khubarada amniga badda ee warbixinta laga soo xigtay ayaa ka digay in ciidamada badda ee caalamka oo awooddooda u weeciyey xiisadaha Badda Cas iyo Marinka Hormuz ay abuuri karaan fursado ay burcad-badeedda Soomaaliya uga faa’iidaystaan yaraanta ilaalinta xeebaha iyo maraakiibta ganacsiga.
Warbixintu waxay intaas ku dartay in khataraha amni ee gobolka ay sare u qaadi karaan kharashaadka caymiska iyo ilaalinta maraakiibta, taas oo saameyn ku yeelan karta ganacsiga caalamiga ah iyo qiimaha badeecadaha ay dalalka Afrika dibadda kala soo degaan.
Ugu dambeyn, warbixintu waxay ka digtay in isku milanka xiisadaha Badda Cas, Gacanka Cadmeed iyo Badweynta Hindiya uu Soomaaliya gelin karo xaalad amni oo cusub, gaar ahaan haddii ay sii xoogaystaan xiriirrada la tuhunsan yahay ee u dhexeeya Xuutiyiinta iyo maleeshiyaadka Al-Shabaab.




