Xukuumadda Somaliland ayaa go’aansatay in ciidamo dheeraad ah oo xooggan la geeyo gobollada Awdal iyo Selel, si loo xakameeyo xiisadaha colaadeed ee muddooyinkii dambe ka taagnaa deegaannadaas.
Go’aankan ayaa lagu shaaciyay kulan uu Golaha Amniga Somaliland ku yeeshay magaalada Hargeysa, kaas oo looga hadlay xaaladda amni ee gobollada Awdal iyo Selel iyo isku dhacyada u dhexeeya laba beelood oo walaalo ah.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland, Cabdalle Maxamed Carab, ayaa sheegay in xukuumaddu ciidamo geynayso deegaannada ay colaadaha ka jiraan, si looga hortago isku dhacyo hor leh, loona ilaaliyo amniga iyo badbaadada shacabka.
Tallaabadan ayaa imaanaysa kadib markii habeenkii xalay magaalada Saylac laga soo sheegay weerar ay warbaahinta deegaanka ku eedeeyeen ciidamo-beeleed, kuwaas oo la sheegay inay magaalada ka soo galeen dhinaca deegaanka Dixda Feedhoweyne.
Weerarkaasi ayaa waxaa ku dhintay saddex qof, halka dad kalena ay ku dhaawacmeen. Waxaa sidoo kale la soo sheegay in rasaas lagu furay dad shacab ah, inkastoo aan weli si rasmi ah loo xaqiijin dhammaan faahfaahinta dhacdada.
Xaaladda amni ee Awdal iyo Selel ayaa maalmihii u dambeeyay sii xumaanaysay, iyadoo ay soo noqnoqdeen dilal, afduub iyo isku dhacyo laga cabsi qabo inay sababi karaan khasaare hor leh iyo barakac.
Xukuumadda Somaliland ayaa hadda wajahaysa cadaadis la xiriira sidii ay u xakamayn lahayd colaadaha, iyadoo dirista ciidamadan ay qayb ka tahay dadaallada lagu doonayo in dib loogu soo celiyo xasilloonida deegaannadaas.




