Hay’dda Caafimaadka Adduunka ee Marka magaceeda lasoo gaabiyo loo yaqaano WHO ayaa Madaxweynaha dalka Zimbabwe u magacowday danjire Sharafeed.
Robert Mugabe ayaa ka shaqeyn doona in uu u ololeeyo ka hortaga cuduradda Kaadi-macaanta iyo Kansarka.
Xilka ayaan waxaa u magacaabay Wasiirkii Hore ee Arrimaha Dibadda Itoobiya hadana ah Agaasimaha cusub ee WHO Dr Tedros Adhanom.
Dr Tedros Adhanom ayaa ku ammaanay Robert Mugabe Aqoontiisa dhanka Caafimaadka iyo sidoo kale sida uu u jecel yahay in dadka kunool dalkiisa ay gaaraan horumar Caafimaad.
Siyaasiyiinta Mucaaradka ku ah Mugabe ayaa sheegay in muddo dhan 37 Sano uu xilka dalkaasi haayay in uusan waxba ka qaban adeegyadda Caafimaadka.
Hay’addaha kala duwan ee Qaramada Midoobey ayaa inta badan bixiya xilal Sharafeed loogu tala galay dadka wax galka ah.



