Todobaadkii hore Maanta oo kale Xilli Casir ayay ahayd markii gaari noociisu ahaa TM oo ah kuwa Xamuulka qaada uu ku qarxay Bartamaha Igoyska Zoobe ee Muqdisho.
Qaraxaasi ayaa lagu sheegay inuu ahaa midkii ugu weynaa uguna khasaaraha badnaa ee abid ka dhaca Magaalada Muqdisho.
Muuqaalka Isgoyska Zoobe ayaa maanta ahayn muuqaalkii hore ee lagu yaqiinay, waxaa burburay guud ahaan dhismayaashii ganacsi ee ku yaallay Igoyska.
Waxaa Saakay dib u soo laabtay dhaqdhaqaaqa isu socodka dadka iyo gaadiidka Isgoyska Zoobe.
Gaadiidka dadweynaha, Mootooyinka yaryar iyo gaadiidka kale ee Dowladda ayaa si caadi ah u isticmaalaya wadada ka dib markii laamiga burburay dayacyir lagu sameeyay.
Boqolaal dadweyne ah ayaa isugu tagay Isgooyska Zoobe kuwaasi oo doonaya iney arkaan muuqaalka wadada iyo sidii ay murugada ula qeybsan lahaayeen ganacsatadii ku hanta beeshay qaraxaasi.
Axmed Cabaas Xaashi ayaa ka mid ahaa dhalinyaradii aan Maata kula kulmay Isgoyska Zoobe ee Muqdisho.
Sidoo kale Waxaan halkaasi kula kulmay Daahiro Aadan Maxamed oo ah Haweeney da’ dhexaad ah heysatana 6 Caruur ah oo aabahood ku dhintay Qaraxii ka dhacay isgoyska Zoobe.
Waxa ay sheegtay in Subixii isaga oo nabad qaba uu ka soo tagay Seygeeda ilaa hadana aysan indhaheeda saarin balse loo sheegay in uu ka mid ahaa dadkii ku dhintay qaraxa.
Dhanka kale waxaa dhismooyin lagu bilaabay goobihii ganacsiga ee ku yaallay Isgoyska Zoobe.
Qaar ka mid ah ganacsatadii ku hanta beelay qaraxa oo ku guda jiray dhismaha goobahooda ganacsi ayaa sheegay in ay qaar ka mid ah dadkii goobahooda ka shaqeynaayay ay dhinteen halka kuwa kalena ay ka dhaawacmeen.



