Puntland ayaa waxa ay faah faahin ka bixisay ciidamo dhowaan la geeyay deegaanka Garacad, waxaana deegaankaasi horey ugu dagaalamay ciidamo ka tirsan maamulka Puntland iyo ururka Al-shabaab.
Waxaana ay Puntland ay halkaasi ka sameysay saldhigyo Milateri oo lagala socon doono dhaqdhaqaaqyada ururka Al- Shabaab ay ka wadaan xeebaha Koonfureed ee gobalka Mudug.
Agaasimaha guud ee ciidamadda Badda Puntland Cabdiraxmaan Maxamuud Xaaji Xassan oo gaaray deegaanka Garacad ayaa sheegay in ujeedadu ay tahay sidii loo xaqiijin lahaa amaanka xeebaha Puntland, isla markaasna halkaas looga hirgalin lahaa Saldhig ay leeyihiin ciidamadda Badda Puntland.
Agaasimaha ayaa sheegay in ay tanni ka dambeysay markii uu sidaas amray Madaxweynaha maamulka Puntland C/wali Maxamed Ali Gaas.
Dhowaan ayay aheyd markii Kooxo ka tirsan ururka Al-shabaab ay weerar ka geysteen deegaano ka tirsan Puntland.


