Dowladda Soomaaliya ayaa waxa ay maanta garoonka diyaaradaha ee Aadan Cade ay ku qabatay 11 qof oo tahriibiyaal ah.
Waxaana ay sheegtay in dadkaasi la qabtay ay ku sii jeedeen Caasimadda Qaahira ee dalka Masar, iyagoo qirtay in yihiin tahriibiyaal.
Warar aynu ka helnay laanta waaxda socddalka iyo Jinsiyadaha ee dowladda Soomaaliya ayaa waxa ay sheegayaan in dadkaasi hada ay gacanta ku hayaan oo lala xisaabtami doono.
Bada udhaxeysa dalalka Masar iyo Talyaaniga waxaa dhowaan doon ay kula qalibantey 500 oo qof kuwaas oo ubadnaa Soomaali.
Qaar ka mid ah dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku sugan Muqdisho ayaa dhaliil waxa ay ujeediyeen dowladda Soomaaliya iyagoo ku eedeeyay in aysan dhalinyarada usameyn wax shaqo abauur ah.
Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay dhalinyarada Soomaaliyee ee tahriibta ayaa waxa ay sheegtay in ay ka hortagayaan shabakadaha tahriibka ka shaqeeya.


