Manchester City Oo Ku Dhawaaqday Saxiixa Leroy Sane

Manchester City ayaa xaqiijisay saxiixa ciyaaryahanka garabka ka ciyaara ee Schalke Leroy Sane, iyadoo xiddiga caalamiga ah ee dalka Germany uu saxiixay heshiis shan sanno ah oo uu ugu biirayo kooxda ku ciyaarta Etihad Stadium.

Sane ayaa lala xiriirinayay kooxdaan maalmihii lasoo dhaafay, laakiin waxa uu go’aansaday inuu u dhaqaaqo Etihad Stadium kadib £37 milyan ay bixisay kooxda Sky Bule.

20-sano jir kaan Sane, ayaa kasoo baxay akadeemiga dhalinyarada ee Schalke, isagoo saftay 57 kulan oo kooxda koowaad ah, waxaana uu dhaliyay 13 gool, iyadoo loo magacaabay xulka Germany ee ka qeyb galay Euro 2016.

weeraryahanka dhallinyarada ayaa haatan shaaca ka qaaday in uu sugi Karin la shaqeynta tababare Pep Guardiola iyo ka ciyaarista Premier League.