Iniesta, Rakatic Iyo Bravo Oo Laga Saaray Safka Barcelona Ee Wajahaya Leicester City

Kooxda Barcelona ayaa diyaarsatay xidigihii waji lahaayeen kooxda Leicester City , wuxuuna Macalinka uu kooxda ka saray xidigo kale oo kooxda la mid ahaa , xilli uu safka kusoo daray Sergio Busquets iyo Javier Mascherano.

Habeenka arbacada waxaa ay Barcelona la ciyaaridoontaa kooxda daafacaneysa horyaalka Primer League-ga ee Leicester City, waana kulan ka tirsan International Champions League-ga taasi oo dhawaan xasuuq kala kulantay kooxda PSG.

Xidigaha Macalin Enrique uu ula safray Norway waxaa ay kala yihiin: Masip Jose Suarez, Mascherano, Marlon, Sergi Roberto, Mathieu, Vidal, Busquets, Arda, Alena, Denis Suarez, Samper, Messi, Luis Suarez, Munir, Martinez, Carbonell, Nili, Alfaro, Camara and Mujica.

Enrique ayaa hada kooxda ka saaray xidigaha kala ah Ter Stegen, Bravo, Rakitic, Vermaelen, Pique, Douglas, Alba and Iniesta kuwaasi oo aan kooxda ula safrin Stockholm.