Inter Milan ayaa isku heshiis £ 17.75million la gaartay bartilmaameedkii Chelsea Antonio Candreva oo katirsan kooxda Lazio.
Xiddiga reer Italy ayaa bartilmaameed koowaad u ahaa tababaraha cusub ee Blues Antonio Conte, kasoo macalin uu ugu ahaa xulka Italy.
Si kastaba ha ahaatee kooxda ka dhisan Galbeedka London ayaa u muuqata inay 29-sano jirkaan waayi doonaan kadib markii uu Inter heshiis afka ah la gaaray.
Kooxda ka dhisan San Siro ayaa heshiis ku kacaya £ 17.75m kusoo qaadaneysa ciyaaryahanka iyadoo £ 2.5 oo dheeraad ah bixin doonta.
sida laga soo xigtay Gazzetta dello Sport, Candreva ayaa heshiis shaqsi ah la garay kooxda ka dhisan Milan waxaana uu mari doonaa tijaabada caafimaadka ka hor inta uusan dhamaan toddobaadkan.
Waxa uu xitaa Candreva ka codsaday Inter Milan maaliyada No.87 ee uu caanka ku yahay.


