Dagaalo ayaa maanta markale waxa ay ka dhaceen deegaanadii shalay lagu dadaalamay oo ka tirsan gobolka Nugaal gaar ahaan deegaanka Suuj.
Dagaalka ayaa waxaa ka dhashay khasaare labada dhinac soo kala gaaray waxaana saraakiisha Puntland oo iyaguna goor dhow warbaahinta la hadlay ay sheegeen in ay dileen dagaalamayaal ka tirsan ururka Al-shabaab kuwa kalana ay nolosha ku qabteen waa sida ay hadalka u dhigeen.
Xaalada goobihii lagu dagaalamay ayaa hada ah mid sii yara dageysa.
Deegaanka Suuj ayaa waxaa ku yaala Buuro waa weyn oo ururka Al-shabaab ay galeen iyadoo hub badan ay isku adeegsadeen sida dadka deegaanka ay inoo sheegeen.
Si dhab ah wali looma oga khasaraha ka dhashay dagaalkaasi.


