DHAGEYSO: Cali Gaab ”amniga caasimadda cid si gaar ah loogu ogyahay ma jirto”

Taliyaha qeybta ciidanka Booliska gobolka Banaair General Cali Bare Xirsi Cali Gaab oo maanta warbaahinta kula hadlay magaalada muqdisho ayaa ka hadlay amaanka caasimadda iyo sidii hay’adaha amniga iyo shacabka ku dhaqan muqdisho ay uwada shaqeyn lahaayeen.

Taliye Cali Gaab ayaa sheegay in amniga caasimadda cid si gaar ah loogu ogyahay aysan jirin laakiin uu sheegay in shacabka loo baahan yahay in ay iska xil saaraan amaanka caasimadda ayna la shaqeeyaan ciidamada amniga si looga hortago falalka amni daro ee Al-shabaab ay ka geysanayaan muqdisho.

Hadalka taliyaha qeybta ciidanka Booliska gobolka Banaair ayaa imaanaya xilli ay hay’ada nabad sugidda iyo sirdoonka qaranka ay shaacisay in amaanka caasimadda lagu wareejiayay maamulka gobolka Banaadir waxna laga weydiin doono amniga caasimadda.