Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliya qeybta gobolada Jubooyinka Muxudiin C.xakiin Sayid ayaa saxaafada u sheegay in ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ay u diyaarsan yihiin sidii ay u qaadi lahaayeen howlgallo ka dhan ah ururka Al-shabaab oo lagu beegsanayo degmooyin ka tirsan Jubooyinka oo ay kaga sugan yihiin.
Korneel Muxudiin C.xakiin waxa uu sheegay In ay sugayaan oo kaliya awaamiir ka soo baxda saraakiisha ugu sareysa ciidanka xoogga dalka iyo wasaarada difaaca dalka islamarkaana ciidanka ay heegan badan ugu jiraan sidii ay ugu dhaqaaqi lahaayeen dhulka ay Al-shabaab ku sugan yihiin.
Al-shabaab ayaa awood badan ku leh marka loo eego gobolka Jubbada dhexe oo intiisa badan degmooyinkiisa ay maamulaan halkaasi oo la aaminsan yahay in ay ku sugan yiiin cududa badan oo ay Al-shabaab ay leeyihiin.


