DHAGEYSO: Howlgallo dad lagu soo qab qabtay oo laga sameeyay Afgooye

Howlgalkan saacadihii udambeeyay ay ka sameeyeeyn ciidmada nabad sugidda degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa ahaa mid amaanka lagu adkeynayay sida saraakiisha horkaceysay howlgalka ay inoo sheegeen.

Waxa ay tilmaameen in haatan howlgalka ay ku soo qabteen dad fara badan oo gaaraya ilaa iyo 100 qof kuwaas oo ay ku socdaan baaritaano, iyadoona uu sheegay in  howlgalada ay sii socon doonaan.

Howlgalkan ayaa ahaa mid si xowli ah ku socday marka loo eego howlgaladii horay uga dhici jiray gudaha degmada Afgooye.

Howlgalkan ayaa waxa uu imaanayaa xilli maalmihii udambeeyay degmada Afgooye ay ka dhacayeen falal amni daro ah kuwaas oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac.