Dowladda oo faahfaahisay Xaaladdihii ugu dambeeyay ee Beledweyne

Wasiirka warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya oo xubin ka ah guddiga Qaranka ee gurmadka fatahaadaha ayaa sheegay in gurmad ballaaran uu bari subixii gaari doono magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Wasiirka ayaa sheegay in xaaladda aysan wax isbedel ah sameyn 24 kii Saac ee lasoo dhaafay, islamarkaana meelaha uu wabigu ku fatahay ay ugu daran tahay Magaalada Beledweyne oo in ka badan 350 kun qof ay ku barakaceen.

Waxaa uu sheegay in hada ay bilaabayaan Gurmadka loo fidinaayo dadka sidda in Cuntadii iyo Caafimaadkii la gaarsiiyo Shanta maalin ee soo socota.

Waxaa uu ugu baaqay Shacabka Soomaaliyeed in ay ka qeyb qaataan Gurmadka loo sameeyo Shacabka Magaalada Beledweyne.

Magaalada Baladweyne ayaa waxaa ku fatahay Wabiga Shabeelle kaas oo inta badan saameeyey Xaafadaha kala duwan ee magaaladaas.

Dadka ayaa intooda badan isaga barakacay Baladwayne waxayna miciin bideen duleedka magaalada iyo meelaha dalcadaha si ay uga badbaadaan Fatahaadda.

Halka degmada Bardaale ee Gobolka Baay dadkii ku noolaa ay iyana duleedka degmadaasi u barakaceen,kadib markii Magaalada ay kusoo rogmadeen daadad ka dhashay roob dhawaan ka da’ay degmadaas.