Artudo Vidal Oo Daboolka Ka Qaaday Colaada Kala Dhaxeysa Claudio Bravo Oo Xaaska Bravo Ay Sababtay

Xiddiga khadka dhexe ee Barcelona Arturo Vidal ayaa daboolka ka qaaday colaada kala dhaxeysa xiddiga ay isku xulka yihiin goolhaye Claudio Bravo.

Labada nin ayaa dhawaan looga soo wada yeeray xulka qaranka Chile markii ugu horeysay muddo labo sannadood ah laakiin islama aysan hadlin inkastoo ay qolka labiska wadaagaan.

Vidal ayaana ka hadlay sababta uu u xumaaday xiriirka kala dhaxeeyay Bravo, waxaana uu sheegay inuusan dooneynin inuu xitaa mar danbe saaxiib la noqdo.

Colaada u dhaxeysa labada nin ayaa soo bilaabatay sannadkii 2017 markii xaaska goolhayaha Manchester City Bravo ay saxaafada u sheegtay in sababtii ay Chile ugu soo bixi waayeen Koobkii Adduunka ee 2018 inay aheyd inay ciyaartoyda intooda badan xafladeyn iyo khamri cabis ku jireen oo aysan isku diyaarinin kulamada.

Hadalkaas ay sheegtay ayaa ka careysiiyay xiddigaha ugu waa weyn xulka Chile, waxaana uu Vidal cadeeyay in arintaas ay sabab u noqotay burburka xiriirkooda, madaama Bravo uusan raaligelin ka bixinin.

“Xaaska Bravo ayaa nagu eedeysay inay caweys ku jirnay kulamadii isreebreebka Koobka Adduunka oo sarqaanimo darteed aan tababar sameyn weynay” ayuu Vidal u sheegay wargeyska dalkiisa ee El Mercurio.