Diyaarada Turkish Arline oo dib ubilowday duulimaadkii ay ku imaan jirtay Muqdisho

Muqdisho-RisaalaFM- Waxaa maanta magaalada Muqdisho gaar ahaan Garoonka Aadan Cade soo caga dhigatay Diyaarada Turkish Airline oo ah diyaarad caalami ah islamarkaan ka timid magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.

Diyaaradan wixii ka dambeeyay qaraxii ka dhex dhacay gudaha Diyaarada Daallo Airline 2-dii Bishii Fabruary ayay shaqadeeda hakad gashay.

Xubno ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa Diyaaradan ku soo dhaweeyay Garoonka oo ku sugnaa xilliga ay Diyaaradan soo caga dhiganeysay.

Waxaa la sheegay Diyaarada in ay wadatay qalab, iyadoo qalabkaasi la dhigi doono Garoonka Aadan Cade si loogu baaro dadka raacaya Diyaarada.

Dadka qaar ayaa sheegaya in diyaarada ay la socdeen ciidamo ilaaliya amniga iyo Eeyo utababaran urinta waxyaabaha qarxa si loo sugo amniga dadka raacaya Diyaarada.

Diyaarada ayaa la sheegay in shaqadeeda ay si rasmi ubilaabi doonto 20-ka Bishan aynu ku guda jirno.