Dadka ku dhaqan hareeraha Wabiga Shabeelle oo barakac xoogan sameeyay “Sawiro”

Beledweyne-RisaalaFM- Waxaa Barakac xoogan sameeyay dadka ku dhaqan xaafado ka tirsan magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.

Wabiga Shabeelle ayaa waxa uu fatahaad ku sameeyay xaafado ka tirsan magaalada Beledweyne, waxaana ay arintaasi ay sababtay in ay Barakac sameeyaan dad aad ufara badan oo deganaa hareeraha wabiga.

Xaafadaha Xaawo Tako Iyo Kooshin oo Beledweyne ka tirsan ayuu ku soo fatahay Wabiga, taasina waxa ay keentay in ay halkaasi ka barakacaan qoysaskii deganaa Xaafadahaasi.

Ilaa 400 oo qoys ayaa ka baracakay Xaafadahaasi oo gaaray deeganka Ceel Jaalle ee duleedka Magaalada Baledweyne.

Meelaha Wabiga uu ku fatahay xitaa ma geli karaan gaadiidka oo qoysaska alaabaha muhiimka ah waxa ay ugala soo baxayaan Gaaridameerada iyo gacmahooda ayeey ku qaadanayaan.

Biyaha Wabiga oo aad u buux dhaafay ayaa sababay in uu fatahaad ku sameeyo xaafadaha Kooshin iyo Xaawo Taako ay galaan.

1- 2- 3- 4- 5- 6- 7- 8- 9-