Muqdisho-RisaalaFM- Waxaa faah faahin dheeraad ah ay ka soo baxeysaa Qarax duhurnimadii maanta ka dhacay Isgoyska Cali-kamiin ee degmada Warta-nabadda.
Qaraxa ayaa waxaa gaarigiisa loogu xiray nin la sheegay in uu ka tirsan yahay shaqaalaha Bankiga Dhexe, waxaana uu xilliga uu Qaraxa dhacayay uu ku jiray Masjid halkaasi ku yaalay.
Waxaana Qaraxaasi ku dhaawacantay 2 qof oo rayid ah, iyadoo dadkii ku dhaawacmay loo qaaday isbitaalada halkaasi ka dhawaa.
Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo maamulka degmada Warta- nabadda ayaa goobta uu qaraxa ka dhacay gaaray, waxaana ay wadaaan baaritaano ku aadan qaraxa dhacay.
Gudoomiye ku xigeenka dhanka amniga degmada Warta-nabadda C/rashiid Ismaaciil oo Idaacadda Risaala la hadlay ayaa sheegay in ay wadaan howlgallo lagu soo qab qabanayo daka looga shakisan yahay in ay ka dambeeyeen qaraxan.


