DHAGEYSO: Yabooh”amniga degmooyinka gudoomiyaasha ayaa lagu la xisaabtamaya”

Gudoomiye ku xigeenka dhanka Siyaasada iyo amniga gobolka Banaadir Maxamed Axmed Diiriye “ Yabooh”  ayaa sheegay in Maamulada Degmooyinka lagu la xisaabtamayo amniga degmooyinka gobolka Banaadir.

Waxa uu sheegay in ay muhiim tahay in shacabka iyo maamulada degmooyinka ay si wadajir ah ugu qeyb qaataan sugida amniga guud ee caasimada Muqdisho.

Gudoomiye Yabooh ayaa sidoo kale sheegay in gudoomiye walbo loogu baahan yahay in uu dardargelin sugida amniga degmada uu ma’suulka ka yahay isla markaana lagula xisaabtamayo.

Hadalka Gudoomiye ku xigeenka dhanka Siyaasada iyo amniga gobolka Banaadir Maxamed Axmed Diiriye “ Yabooh”   ayaa ku soo beegmaya xilli Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya lagu Weeraray gurigiisa oo ku yaalla degmada Hodan.