Xildhibaan Aadan Ibraahim Dhaayow oo ka tirsan Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya, oo xalay lagu weeraray bambooyinka nooca gacanta laga tuuro ah oo la hadlay idaacadda Risaala ayaa sheegay in uu bad qabo ayna baxsadeen kooxii weerarka fuliyey.
Xildhibaan Dhaayow ayaa sheegay in uu ka badbaaday weerarkii lagu qaaday gurigiisa , balse Shan ka mid ah ilaaladiisa uu dhaawac soo gaaray .
Maalmihii ugu dambeeyay, ayaa waxaa soo hagaagaayay ammaanka Magaalada Muqdisho, wuxuuna weerarka hoyga Xildhibaanku ku soo beegmayaa, xilli shalay Degmada Dharkiinley lagu dilay nin ganacsade ahaa.


