Wararkii ugu dambeeyey Ciidamo la wareegay Buuhoodle

Ciidamo hubaysan oo la sheegay in ay taabacsan yihiin maamulka Puntland ayaa la wareegay gacan ku heynta magaalada Buuhoodle ee Gobolka Cayn.

Ciidanka oo boqolaal gaaraya isla markaana wata hub xooggan ayaa magaalada gudaheeda soo mar maray, dadkana  u sheegay in hadda laga bilaabo ay ammaanka ay iyagu masuul ka yihiin isla markaana aan magaalada ammaankeeda waxba laga waydiin karin  maamulka Khaatumo.

Wasiiro ka tirsan maamulka Khaatumo oo aan la hadalnay ayaa beeniyey in ciidankaas ay la wareegeen magaalada Buuhoodle,waxayna  sheegeen  in Khaatumo ay magaalada joogto.

Warar hada naga soo gaaraya Buuhoodle ayaa sheegay maamulka Khaatumo ay ku jiraan Shir deg deg oo looga hadlaayo ciidanka la wareegay Buuhoodle.