Wasiirka warfaafinta Maamulka Koofur galbeed Xasan Cabdi Maxamed oo la hadlay radio Risaala ayaa faahfaahin ka bixiyay xaalada amni deegaanada Maamulka Koofur Galbeed .
Wasiirka ayaa sheegay in ciidamada amniga ee mamulka koofurgalbeed ay ka feejigan yihiin weeraro ka dhacay magaalada baydhabo iyo sidoo kale meelaha ay maamulaan koofur galbeed.
Waxa uu tusaalooyin usoo qaaday in ciidamada koofur galbeed soomaaliya ay ka hor tageen weeraro iyo qaraxyo ay Al-shabaab qorshaynaayeen in ay ka geystan deegaanada maamulkooda.
Al-shabaab ayaa horay qaraxyo weeraro ka fuliyey magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay.


