Beydhabo-RisaalaFM- Iyadoo xiisad dhanka siyaasada oo kacsan ay ka jirto maamulka Koonfur Galbeed ayaa xubnaha Baarlamaanka maamulkaasi xilligan waxa ay sheegayaan in ay ubaahan yihiin in Golaha Baarlamaanka Soomaaliya la horkeeno Golaha Wasiirada maamulka Koonfur Galbeed kadib markii lagu eedeeyay in ay ku fashilmeen waxqabadkii loo idmaday.
Xildhibaan Nadiir Macalin Cumar oo ka mid ah xubnaha Baarlamaanka maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegay in muhiim ay tahay in Goaha Wasiirada maamulka Koonfur Galbeed ay hor yimaadaan Baarlamaanka si ay kalsooni uweydiistaan maadaama sida uu ku eedeynayo ay gabeen shaqadii loo idmaday oo aheyd in ay ushaqeeyaan dadka ka soo jeeda deegaanada Koonfur Galbeed.
Xubnaha Baarlamaanka maamulka Koonfur Galbeed ayaa dhowaan gudbiyay Mooshin ay ku doonayeen in ay xilka kaga qaadaan Gudoomiyaha Baarlamaanka maamulka Koonfur Galbeed C/qaadir Shariif kaasi oo ay ku eedeynayaan xil gudasho la’aan.
Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan oo shalay dib ugu laabtay magaalada Beydhabo ayaa kulan deg deg ah oo dhanka amniga ah la qaatay xubnaha Golaha Wasiirada Maamulka Koonfur Galbeed.


