Muqdisho-RisaalaFM- Dowladda Soomaaliya ayaa dhowaan waxa ay ku dhawaaqday Natiijada Imtixaanaadkii ay Ardada Dugsiyada sare ka keensadeen oo Wasaaradu sanadkii labaad ay qaaday.
Qaar ka mid ah Ardada Soomaaliyeed ee laga qaaday Imtixaanaadka ayaa waxa ay dhaliil ujeediyeen Wasaarada Waxbarshada Soomaaliya waxaana ay ku dhaliileen in aan si cadaalad ah loogu soo dhejinin natiijada imtixaankii laga qaaday.
Agaasimaha Guud ee Wasaarada Waxbarshada Soomaaliya C/qaadir Maxamed Nuur oo ka jawaabaya eedeynta uga timid qaar ka mid ah ardadii laga qaaday imtixaankii Dugsiyada sare ayaa Muqdisho shir jaraaid ku qabtay si uu faah faahin uga bixiyo.
Dowladda Soomaliya gaar ahaan Wasaarada Waxbarshada ayaa waxa ay sheegtay in Tobankii Arday ee kaalmaha hore ka galay Imtixaankii ay qaaday ay siin doonto waxabarsho lacag la’aan ah.


