DHAGEYSO: Ciidanka Itoobiya oo ka baxay Deegaano ka tirsan K/Galbeed

Beydhabo-RisaalaFM- Wasiirka wasaarada maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa faah faahin ka bixiyay wararka sheegaya in ciidanka Itoobiya ay isaga baxeen deegaano ka tirsan gobolada Baay iyo Bakool.

Wasiirka ayaa sheegay in ay jiraan ciidamo ka tirsan Itoobiya oo isaga baxay deegaano ka tirsan Koonfur Galbeed balse arimahaasi ay yihiin kuwo siyaasadeysan.

Waxa uu sheegay wasiirka in dhowaan ay bilaabi doonaan howlgal ay iska kaashan doonaan ciidanka Koonfur Galbeed iyo kuwa AMISOM, kuwaas oo Al-shabaab looga saarayo deegaanada ay kaga sugan yihiin Koonfur Galbeed.

Ciidanka Itoobiya ay isaga baxay deegaano ka tirsan gobolada Baay iyo Bakool, inkastoo maamulka Koonfur Galbeed ka bixitaanka ciidamadan uu ku macneeyay qorshe dhanka Militariga ah.